3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Salaad Cali Jeelle: -Waxaa jira dibadbaxyo dowladda ka dhan ah oo ay mucaaradku qabanqaabinayaan

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ka war heyso sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo waaweyn oo ay qabanqaabinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo xisbiyada qaarkood.

Wuxuu sheegay in dibadbaxyada la qabanqaabinayo in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho lagu bixinayo dhaqaale laga keenay Imaaraadka Carabta, isaga oo hadal qaaday mid ka mid ah siyaasiyiiinta Soomaaliyeed in uu arintan ku lug leeyahay.

“Waxaa la qabanqaabinayaan dibadbax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay in dibadbaxyada uu qeyb ka yahay dadka gadaal ka riixaya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Shirma’arke oo horay dalka uga soo noqday ra’iisal wasaare.

Inkastoo Salaad Cali Jeelle inta badan soo muuqda warbaahita ayaa sheegtay in uu guddoomiye ka yahay mid ka mid ah xisbiyada siyaasada dalka, laakiin dhanka kale marka la eego waxaa uu siweyn ugu xiran yahay dowladda Soomaaliya isaga oo hadalo kulul ku weerara siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda ka soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/17/2019 12:23 PM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay ciidamada gaarka ah ee ka hortaga rabshadaha iyo dibadbaxyada, iyadoo dhan kalana maalinta berri ah laga cabsi qabo dibadbax ballaaran oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

4/17/2019 11:57 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.

4/17/2019 10:50 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hogaaminayo oo soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay qorshaysay xukuumafiisu in biyo nadiifa magaalada loo helo.

4/17/2019 10:29 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Taliya Kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xusseen Axmed ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay qaraxa iyo khasaaraha uu sababay, waxaana ay xustay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Harier oo la dhigay maqaayad horteeda uu qarxay.

4/17/2019 8:43 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay goob maxaaqi ah oo laga cuteeyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada, waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad oo isla maanta ka dhaca magaalada Muqdisho.

4/17/2019 7:51 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Maxkamada gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxaa la horkeenay 7 ruux oo ku eedeysan dilkii iyo gubidii Bishii Setember ee sanadkii 2018 Magalada Muqdisho loogu geystay Marxuum la oran jiray Axmed Mukhtaar Dowlo.

4/17/2019 7:40 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

4/17/2019 3:32 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) –Qaraxan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Murama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Shaqaalaha halka lagu magacaabo Xaaji Baasto.

4/17/2019 1:12 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) – Qaraar ay ansixiyeen golaha Kongreska Mareykanka oo lagu soo afjari lahaa taageerada Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya ayaa waxaa diiday oo codka diimada qayaxan ku horistaagay madaxwayne Trump.

4/17/2019 12:47 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga dooddi doona labo ajande.

4/17/2019 12:29 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii toogasho ku dilay Nin sida la sheegay in xalay Bam gacameed ku weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Wardhiigley.