4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) –Qaraxan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Murama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Shaqaalaha  halka lagu magacaabo  Xaaji Baasto.

Wali macluumaad dhab ah lagama helin qaraxa hasse ahaatee goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu sababay gaari la soo dhigay ilinka hore ee Hotel Mubaarak

Ciidamada dowladda ayaa tagay halka uu qaraxa ka dhacay kuwaa rasaas kor u ridaya, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Gaadiid badan ayaa la arkayaa oo goobta ku gubaya kuwaa oo yaala goobta uu Qaraxu ka dhacay , waxaana hadda goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]