Arbaco, April, 17,
2019 (HOL) – Qaraar ay ansixiyeen golaha Kongreska Mareykanka oo lagu soo
afjari lahaa taageerada Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga uu Sacuudiga
hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya ayaa waxaa diiday oo codka diimada qayaxan ku
horistaagay madaxwayne Trump.
Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la
leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah
xubnaha koongreska Mareykanka.
Mareykanka ayaa balaayiin doolar oo taagero hub
ah siiya isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee Yemen kula tagaalamaya kooxda
Xuutiyinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.
Balse Kongreska Mareykanka ayaa waxaa ay walaac ka
muujiyeen kumanaanka qofka ee rayidka ee ku dhintay duqaymaha cirka tan iyo
intii uu dagaalka bilaabmay 4 sano ka hor.
Todobaadyadii aanu soo dhaafnay qaraaro lagu
xaddidayo awoodda madaxwaynaha uu ku diri karo ciidamo ayaa waxaa ansaxiyay
labada aqal ee Congreska iyo golaha wakiilada.
Madaxwayne Trump - oo isaga lagu dhaliilay in uu ku guuldaraystay in uu
cambaareeyo dilkii Jamal Khashoggi bishii October - ayaa ahayd mid la filayay
in uu codka diidamada qayaxan ku diido qaraaradan ka dhanka ah Sacuudiga.
Bayaan uu soo saaray madaxwaynaha ayuu ku tilmaamay arrintan 'mid aan loo
baahnayn oo halis ah'iyo isku day lagu doonayo in lagu xaddido awoodiisa
dastuuriga.
Isabahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu eedeeyay in ay dambiyo ka
gaysteen dalka Yemen tan iyo intii ay halkaasi ka bilaabeen howlgalada ka
dhanka ah kooxda Xuutiyiinta.
Waxaa tan iyo xilligaasi socday cadaadisa lagu hayay dalalka dhanka
militariga ka taageera Sacuudiga ee uu Mareykanka ka mid yahay oo loogu
baaqayay in taageeradooda ay soo afjaraan.
Cadaadis kan la mid ah ayaa waxa horey loo saaray dowladda Britain oo
kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ugu baaqayeen in la joojiyo hubka
Sacuudiga laga iibiyo.
Dagaalka yemen ayaa tan iyo intii uu billaabmay 4 sano ka hor waxaa ku
dhintay kumannan qof oo rayid ah,waxaana ku barakacay kumannaan kale.
Xigasho BBC