4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Qodobada looga hadlayo kulanka Golaha Shacabka ee maanta

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga dooddi doona labo ajande.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa laba Ajende kuwaas oo kala ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan ka doodis ama in ay ansixiyaan halka kuwa kale ay qaarkood horay u soo marsiiyeen Akhrinta koowaad iyo tan labaad, hasse ahaatee u baahan kaliya inay waxka bedelaan ama ay ansixiyaan.

Maalmihii ugu danbeeyay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siweyn mashquul ugu ahaa doodda ku saabsan Amniga oo mar sababtay in kulan ay lahaayeen xildhibaannada lagu kala dareero, inkastoo markii danbe doodda Amniga oo su’aalo lagu weydiinayay Laamaha Amniga dowladda la soo gabagabeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]