4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Nin xalay Bam gacmeed ku weeraray saldhig ciidan

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii toogasho ku dilay Nin sida la sheegay in xalay Bam gacameed ku weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Wardhiigley.

Qofka Bamka ku weeraray saldhigga ayaa la sheegay in uu markii danbe gudaha u galay guri ay deganaayeen dad shacab ah si uu gabaad uga dhigto, laakiin ciidamada dowladda oo gaaray guriga ay dibada uga soo saaray dadkii deganaa, waxaana halkaa ka bilaawday iska horimaad dhaxmaray ciidamada iyo Ninka weerarka geystay.

Iska horimaadka ayaa dhaawac xoogan lagu gaarsiiyay Ninka bartilmaameedku ahaa, isaga oo markii danbe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka degmada Wardhiigley ayaa sheegay in ay maqlayeen hub culus oo ka dhacaya gudaha guriga oo ay ku dagaalamayeen.

Howlgalkan lagu dilay xalay Ninka la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa u muuqda mid qeyb ka ah howlgalada ciidamadu ay ka wadaa gudaha magaalada Muqdisho oo waayadii ugu danbeeyay Amnigeedu sii xumaanayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]