5/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka la wareegay


 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda.

Xafladda waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisul wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay'adaha UNDP iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa. Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno dhameeystirka Dastuurka ee muddo soo jiitamayay si aan u helno Dastuur dhameeystiran oo ku yimaado wadajir”.

Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii hore Avv Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda sii dar-dargeliyo, wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee la soo dhaafay.

Ugu dambayn, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka wuxuu sheegay in madaxda sare ee Qaranka ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 










Click here
4/16/2019 1:34 PM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Taliye Ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa warbaahinta sharaxaad ka siisay howlgalada amniga lagu sugayo ee ciidamada ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

4/16/2019 9:58 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

4/16/2019 9:02 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, ayaa mas’uuliyiinta Hirshabelle, waxaa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi in ay qaadayaan tallaabooyin.

4/16/2019 7:44 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

4/16/2019 5:14 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

4/16/2019 3:19 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Shirkadda Turkish Airline ayaa u balanqaaday dowladda Somaaliya in ay tababar siin doonto duuliyayaal cusub oo loo qaadan doono shirkaddaha diyaarada Somali Airline iyadoo dhanka kalana tababar kooban Refreshment ah la siin doono qaar ka mid ah duuliyayaashii hore shirkadda.

4/16/2019 2:45 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

4/16/2019 12:57 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay saraakiisha ciidamada booliiska.

4/16/2019 12:39 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.

4/16/2019 12:34 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu dilay ku-xigeenka Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya Cabdixakiin Dhocob, waxaana dilkan faah faahin dheeraad ah ka bixiyay taliska Mareykanka ee Africom,.