5/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Madaxweynaha Puntland, muxuu u sheegay jaaliyadda Imaaraadka?




Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

Madaxweyne Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa si faahfaahsan  uga warbixiyey natiijada safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo wafdigiisa.

"Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashto waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland hesho qawaaniin cad cad oo ilaalinaya cida maal gashanaysa iyo inaan mar-waliba xaq dhowrno dadka na-maalgashanaya xuquuqda ay dalka soo galinayaan, anaga oo taa ka duulayna safarkii ugu horreyey oo aan dibadda ugu soo baxnaa dalka Imaaraadka ayuu noqday dabcan dalka Imaaraadka waa meesha saldhigga u ahaan jirtay dad Soomaaliyeed ee dhinaca ganacsiga khaasatan Puntland wax ku leeyihiin taariikh dheer oo soo jireen ah oo muddo dheer xiriirka ganacsi uu ahaa mid aad u weyn."

"Waxaa muddadii aan joognay dalka Imaaraadka aan ka wadahadalnay sidii loo ilaalin lahaa xiriirka qotada dheer, muddada dheer soo jirey in isbeddelka yimaada uu saameyn ku yeelan shucuubta labada dal ganacsigooda iyo isku xirnaantooda, waxay si cad noogu ballan qaadeen in ay aad u dhowrayaan ayna horumarinayaan, waxyaabaha ugu waaweyn aan kala hadalnay waxaa kamid ahaa in xoolihii Soomaaliya oo muddo xayirnaa in dib loo furo runtii waynaga ogolaadeen".  ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay kulan  uu la qaatay shirkadda DP-World, taasi oo dhisme iyo dib u dayactir ku samaynaysa dekedda Boosaaso.

"Siddaad og-tihiin, Puntland waxay heshiis la gashay DP-World si loo hurumariyo Dekedda Boosaaso, runtii kulan aad u fiican ayaanu la yeelanay Madaxda shirkadda DP-World, wuxuuna ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad, waxaanu ku heshiinay in sannad gudihii wixii caqabad ah meesha laga saaro iyo wixii hore u dhacay oo u dambeeyeen dilkii maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP-World oo runtii ahayd nabar aad u xannuun badan oo dilkiisu khatar galiyey maalgashiga Puntland, Wax kasta oo amniga dekedda lagu sugayana aan masuuliyadeeda qaadno."

"Waxaanu rajaynaynaa heshiis labada dhinacba u cuntama oo isku dheeli tirma oo danaha Puntland iyo horumarkeeda ilaaliya uu sidaas ku dhaqan galo, haddii turxaan jirtana aanu xallino, wixii wanaaga ah ee heshiisku qorayana in ficil loo beddelo oo uusan hadal noqon waxaan rajaynayaa inuu isbeddel dhaco". ayuu ku daray madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland  Siciid  Deni, ayaa sheegey in ay dib u bilaabmayso dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taasi oo uu xusay inay halbowle u ahayd horumarka dalka oo dhan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
4/16/2019 1:34 PM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Taliye Ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa warbaahinta sharaxaad ka siisay howlgalada amniga lagu sugayo ee ciidamada ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

4/16/2019 9:58 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

4/16/2019 9:02 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, ayaa mas’uuliyiinta Hirshabelle, waxaa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi in ay qaadayaan tallaabooyin.

4/16/2019 7:44 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

4/16/2019 7:40 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda.

4/16/2019 3:19 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Shirkadda Turkish Airline ayaa u balanqaaday dowladda Somaaliya in ay tababar siin doonto duuliyayaal cusub oo loo qaadan doono shirkaddaha diyaarada Somali Airline iyadoo dhanka kalana tababar kooban Refreshment ah la siin doono qaar ka mid ah duuliyayaashii hore shirkadda.

4/16/2019 2:45 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

4/16/2019 12:57 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay saraakiisha ciidamada booliiska.

4/16/2019 12:39 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.

4/16/2019 12:34 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu dilay ku-xigeenka Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya Cabdixakiin Dhocob, waxaana dilkan faah faahin dheeraad ah ka bixiyay taliska Mareykanka ee Africom,.