4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

Sidoo kale kooxda burcad ah ayaa la sheegay in ay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Dhinaca kale Burcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]