4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay saraakiisha Booliiska

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay saraakiisha ciidamada booliiska.

Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Zakiya Xusseen Axmed oo kulanka kaddib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in madaxweynuhu kula dardaarmay saraakiisha in ay xoojiyaan sugida Amniga magaalada Muqdisho, isaga oo dhinaca kalana digniin u diray saraakiisha iyo askarta lagu helo musuqmaasuqa iyo dhibaateynta shacabka.

‘’Madaxweynaha kulanka aan la qaadanay wuxuu ahaa mid dhiirigalin ah iyo Booliiska uu ku booriyay in ay qaataan doorkooda la xiriira sugida Amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo in ay tusaale u noqdaan ciidamada intooda kale, sidoo kale madaxweyuhu waxaa uu ka digay saraakiishana faray in gacan adag lagu wajaho saraakiisha iyo askarta lagu helo musuqmaasuqa iyo dhibaateynta shacabka ayeey tiri’’ taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed.

Booqashada madaxweynaha ee xarunta Taliska Booliiska ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay cabasho xoogan laga muujinayay hab dhaqanka ciidamada ee bulshada iyaga oo ku eedeysan dilal siyaabo kala duwan loogu geystay dad shacab ah.

Saraakiisha Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa wali wax war ah ka soo saarin halka uu ku danbeeyay askari magaalada Muqdisho ku toogtay Wiil iyo Abtiggii oo wada saarnaa gaari Mooto Bajaaj ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]