Talaado, April, 16,
2019 (HOL) – Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way
dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku
dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.
Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib
markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore
ee gaariga saarnaa ayaysan waxba soo gaarin.
Dhimasho ayaa laga soo sheegayaa Mississippi,
Texas iyo Louisiana.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo
badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go'een, sida ay ku warrantay
warbaahinta Maraykanka.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex
gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari.
Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo
Virginia.
Alton Lenderman oo u hadlay booliiska deegaanka Angelina ayaa faahfaahin ka
bixiyay carruurta ku dhimatay gaariga uu geedku ku soo dhacay, wuxuuna sheegay
in qaybtii ay carruurtu ku jireen ee dambe ay u fidsantay sida malawaxa oo kale
balse waa lidkii qaybta hore fadhiyay ay badbaadeen.
Labada carruurta ah ayaa kala ahaa siddeed jir iyo saddex jir.
Franklin oo Texas ka tirsan ayay waxyeelo wayn soo gaartay ugu yaraan lixdan
dhisme ayaana ku burburray, masuuliyiinta deegaanku waxay sheegeen in 55 guri
iyo dhismeyaal ay dawladdu lahayd ay burbureen.
Hamilton oo iyadana gobolka Mississippi ka tirsan ayay guryo badan ku
burbureen, waxaana sidoo kale burburay xaruntii dabdamiska.
Qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa CNN u shegay in xarruntii
dabdamiska ay meesha ka baxday.
Xigasho BBC