3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Mareykanka oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Daacish

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu dilay ku-xigeenka Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya Cabdixakiin Dhocob, waxaana dilkan faah faahin dheeraad ah ka bixiyay taliska Mareykanka ee Africom,.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa lagu sheegay in 14-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ay la beegsadeen gaari uu sarnaa hoggaamiye ku-xigeenkii labaad ee Daacish-ta Soomaaliya oo marayay deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkan uu ahaa shaqsiga soo abaabula weerarrada ka dhaca deegaanada Puntland.

“Waxaan sidii wadeynaa taageerada aan siino Soomaaliya ee dhinacyada Ammaanka,Dhaqaalaha iyo horumarinta,waxaana kordhineynaa weerarada aan la beegsano Xarumaha Kooxda Daacish si ay u yaraato awoodooda,waxana bartilmaamedsan doonaa kuwa fuliya weerarada xagjirnimada ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka Mareykanka u qaabilsan Qaarada Afrika Gen. Gregg Olson.

Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo Soomaaliya,kuwaas oo uu la beegsado xarumaha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish,waxaana todobaadyo ka hor madaxweynaha Mareykanka uu saxiixay mudo kordhin loo sameynayo ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/16/2019 1:34 PM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Taliye Ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa warbaahinta sharaxaad ka siisay howlgalada amniga lagu sugayo ee ciidamada ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

4/16/2019 9:58 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

4/16/2019 9:02 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, ayaa mas’uuliyiinta Hirshabelle, waxaa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi in ay qaadayaan tallaabooyin.

4/16/2019 7:44 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

4/16/2019 7:40 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda.

4/16/2019 5:14 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

4/16/2019 3:19 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Shirkadda Turkish Airline ayaa u balanqaaday dowladda Somaaliya in ay tababar siin doonto duuliyayaal cusub oo loo qaadan doono shirkaddaha diyaarada Somali Airline iyadoo dhanka kalana tababar kooban Refreshment ah la siin doono qaar ka mid ah duuliyayaashii hore shirkadda.

4/16/2019 2:45 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

4/16/2019 12:57 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay saraakiisha ciidamada booliiska.

4/16/2019 12:39 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.