4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen qof la sheegay in uu ka tirsanaa dadka degmada ku dhaqan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaar ahaan dilkan uu ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn saldhiga degmada Kaaraan, waxaana shaqsiga la dilay magaciisa lagu soo koobay Daashoow.

Kooxda dilka geystay ayaa markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana tagay halka uu dilku ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska saldhiga degmada Kaaraan oo halkaa baaritaanno ka bilaabay.

Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta dilka hasse ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilalka inta badan ka dhaca magaalada oo ay geystaan kooxo aan la garaneynin iyo ciidamada dowladda intaba.

Xalay ayeey aheyd markii deegaanka Ceelasha biyaha ee dulleedka Muqdisho lagu toogay saddex ruux oo wada saarnaa gaari yar kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen dad la socday gaari kale oo markii ay dilka geysteen kaddib goobta ka baxsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]