4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Madaxweyne Biixi oo xadhiga ka jaray saddex Wiish oo qaadi kara 120 Tone oo alaaba oo dekadda loo keenay


Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

Saddexdan wiiish (Mobile Harbor Crane) ee cusub ayaa loo keenay dekedda Berbera, kuwaas oo qaadi kara 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, waxaana xadhig ka jarista Wiishashkan ka soo qaybgallay Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xubno ka mida axsaabta xisbiyada qaranka, Maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, madaxda shirkadda DP World, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera iyo sida meesha looga saaray baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda.

Maareeyuhu waxa uu ammaanay tallaabada dekedda lagu keenay wiishashka cusub ee uu sheegay inay suurogelinayaan inay dekeddu isku filnaato marka la eego dhinaca rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda kasoo dega iyo kuwa ka dhoofaba, islamarkaana ay wiishashkani yihiin kuwa ugu casrisan ee ay isticmaalaan dekedaha dunidu.

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda xadhigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo horumarinteedaba.

Madaxweyne Biixi ayaa sharraxay horumarka is xig-xiga iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo sida ay usoo jiidanayso indhaha caalamka iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.”

Waxaanu intaas ku daray “Somaliland oo dhan waxa ku waajib ah inaynu Ilaahay u mahadnaqno oo aynnu keenno caqligii aynnu ummaddaas oo dhan ku hanan lahayn, marka aynnu bani’aadamka soo dhaweynno ee aynnu wax la qaybsaynno ee dadku inagu soo dhiirrado ee uu ina aamino ayeynu horumar samayn karnaa,”

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M (Afar Boqol oo mitir),taasi oo dhismaheedii ka socdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.