4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Dowladda oo ka hadashay duqeyn lagu dilay ku-xigeenkii hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay ku-xigeenkii Daacishta Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xiriirro oo ka tirsan Isku Shuban.

Howlgalkan oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka.

Ciidamada dowladdaiyo saaxiibadooda caalamiga ah waxeey u taaganyihiin ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda  in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan wax ay ugu yeereen cadawgga.

Dawladda Soomaaliya ayaa oo kaashaneysa ciidamada shisheeye ee taageerada militari siiya ayaa bilihii ugu danbeeyayba weerarro isugu jira kuwo cirka iyo dhulka ah waxaa ay ku bartilmaameedsanayeen saraakiisha sar sare ee ururrada Al-shabaab iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]