4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Saddax ruux oo lagu dilay weerar xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) –Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho saddex ruux la socday gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa toogasho lagu dilay xalay kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen rag hubeysan oo iyaguna watay gaari kale.

Rag hubeysan oo la socday gaari ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaariga ay la socdeen saddex ruux ee geeriyootay, waxaana markiiba goobta ka baxsaday dadkii weerarka geystay.

Lama oga sababta toogashadan ka danbeysay, sidoo kale waxaan la ogeyn sababta loo bartilmaameedsaday saddexda ruux, hasse ahaatee arintan ayaa cabsi iyo walwal ku abuurtay dadka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Deegaankan Ceelasha biyaha ee toogashadu ka dhacday ayaa maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka soconayay howlgallo ballaaran oo ay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu soo qab qabtay hub iyo dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]