4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Dowladda oo ka digtay mudaaharaadyo kale oo ka dhaca magaalada Muqdisho

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Kulan ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowladda Soomaaliya ayaa looga digay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho dhigista dibadbaxyo kale oo rabshado wata, waxaana kulanka warbixin looga dhigeystay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.

Booliiska ayuu sheegay in ay qabqabteen shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono.

Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.

Waxaa uu guddigu shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]