4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Puntland oo sheegtay in duqeyn lagu dilay ku-xigeenka hoggaamiyaha Daacish



Axad, April, 14, 2019 (HOL)– Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday tuullada Xiriiro oo 3 km u jirta degmada Isku Shuban ee gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan kooxda Daacish.

"Duqeyn duhurnimadii maanta  lala eegtay gaari uu watay kuxigeenkii hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa lagu diley". ayuu yiri amniga Puntland Cabdisamad Gallan oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Wasiir Gallan, waxa kalo uu sheegay in guud ahaanba gaarigii ay saarnaayeen labadan sarkaal la gubay balse ma sheegin ciddii fulisay duqeyntanta oo maanta dhacday laguna dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Daacish ee ka howlgasha dalka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]