4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Jaaliyadda Ohio oo soo dhaweysay Eng Cali Jaamac Xuseen oo ah Musharaxa Madaxnimada Jubbaland


Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Xaflad lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland 2019 Eng.Cali Jamac Xuseen ayaa lagu qabtay mgaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka

Jaaliyadda Jubbaland ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo buuxdhaafiyay halka xafladu ka socotay waxayna si weyn uga war sugayeen qudbada Musharaxa iyo halka ay ku wajahantay

Qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin Culumada, Dhalinyarada, Haweenka, Ardada, Odayaasha dhaqanka, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada jaaliyada ayaa qayb ka ahaa soo dhaweyntan, waxaana hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan dadkii ka hadlay oo ku dhiirogaliyay Musharax Cali Jaamac dadaalkiisa isbadal doonka ah.

Masuuliyiintii ka hadlay xaflada waxa ay muujiyeen marxaladihi ay goboladda Jubbaland soo mareen, halka ay manta taaganyihin, iyo halka la rabo in ay gaaraan iyaga oo kula dar daarmay musharaxa in uu marwalba u adeego bulshadiisa Guul iyo Guul daraba

Musharax Eng. Cali Jaamac ayaa waxa uu balan qaaday in uu la imaan doono isbadal dhab ah oo ka hana qaada Jubbaland gaar ahaan arimaha Amaanka, Waxbarasharada, Sara u qaadista dhaqaalaha, dib u heshiisiin, xariirka shacabka, la shaqeynta dowladda dhexe iyo qodobo kale oo muhiim ah

Waxa uu taabtay kalsooni darda ku kala dhex jirta shacabka Jubbland iyo sida loogu kala qoqobay hab Beeleed siyaasadeysan oo aysan jirin kalsooni ay dhamaan ugu qancan musharaxa guulaysta iyaga oo ka eegaya halka uu ka soo jeedo, taasna waxa uu ku tilmaamay Guuldarada siyaasadeed ee Jubbaland oo loo bahanyahay in la abuuro kalsooni shacab

Maamulka iminka Jira waxa uu ku amaanay in ay qabteen howlo baddan isla markaana ay ka gaabiyeen howlo baddan oo kale

Musharaxa ayaa maalmihii u danbeeyay socdaalo kala duwan ku kala bixiyay qaar ka mid ah goboladda dalkan Mareykanka oo u kula kulmay Jaliyadda dibada ee goboladda Jubbland.

Dhawaan ayaana la filayaa in uu dalka dib ugu laabto si uu u sii wato howlihiisa ku aadan ka qeybgalka doorashada Jubbaland ee 2019.