3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Madaxweyne Biixi oo xilalkii ka qaada xubno ka mid ah wasiiradiisa

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilkii ka qaaday laba wasiir oo kala ah wasiirkii caafimaadka iyo wasiirka Qorsheynta, halka wakiilkii Somaliland ee Itoobiya xilkii laga qaaday.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in xilkii wasaarada Qorsheynta laga qaaday Cawaalle Ibraahim Shirwac, waxaana lagu bedelay Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), sidoo kale, waxa xilkii laga qaaday wasiirkii Caafmaadka Dr Xasan Ismaaciil, waxaana lagu bedelay Cumar Cali Cabdillaahi Bade.

Sidoo kale, waxa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha loo magacaabay Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax.

Waxa kale oo xilkii laga qaaday wakiilkii Somaliland ku lahayd xafiiska Itoobiya Axmed Xasan Cigaal Sahal, waxaana loo magacaabay xafiiskaasi Salaan Xasan Kayd Cabdille.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
4/14/2019 1:56 PM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)– Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday tuullada Xiriiro oo 3 km u jirta degmada Isku Shuban ee gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan kooxda Daacish.

4/14/2019 1:53 PM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Xaflad lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland 2019 Eng.Cali Jamac Xuseen ayaa lagu qabtay mgaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka

4/14/2019 1:47 PM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Nalalkan cadceeda ku shaqeeyo ee Laga hirgilinaayo degnada Buullo burte ayaa waxaa iska kaashaday sanduuqa xasilinta Soomaaliya dowlada Federaalka Iyo maamulka goboedka Hirshabelle.

4/14/2019 12:05 PM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Gaadiidka u kala goosha xaafadaha magaaladda Hargeysa ee looyaqaan Busas-ka ayaa maanta gabi ahaanba shaqooyinkii joojiyey ka dib markii ay ka cawdeen gaadiidka Taksiyadda yaryar oo shaqooyinkoodii ka qaaday.

4/14/2019 12:01 PM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Xaaladda magaalada Diridhabe ayaa wali aan degganayn, kaddib rabshado u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo habeenimadii xalay ilaa maanta galinkii hore ay ka socdeen xaafadaha Lagahare, Sh Xabiib iyo agagaarka Suuqa wayn ee Ashawa.

4/14/2019 11:12 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Iyadoo maanta fadhiggii Golaha Shacabka su’aalo lagu weydiinayay hoggaanka laamaha kala gadisan ee Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa fadhigga gudihiisa waxaa su’aalo adag lagu weydiiyay ku-simaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

4/14/2019 9:39 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

4/14/2019 9:19 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)-Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta looga dareeray salaada Roob doon ah oo ilaahay lagu baryeyo inuu abaaraha ka jabiyo, isla markaana roob khayr qaba u keenno.

4/14/2019 8:26 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhintay mid kalana wax yeello ayaa ka soo gaartay kaddib markii uu ku soo dumay darbiga Garoonka Kubadda Cagta Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

4/14/2019 7:55 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isaga oo ku sugan magaalada Washington sheegay in Soomaaliya ay ka soo baxday dhamaanba sida uu hadalka u dhigay sharuudihii laga doonayay si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

4/14/2019 5:22 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw si rasmi ah xarunta Golaha Shacabka uga furmay shir looga hadlayo xaalada Amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo xidlhibaannadu su’aalo ku weydiin doonaan madaxda ugu sareysa hay’adda Amniga.

4/14/2019 4:40 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalka ciidamadooda ay ka wadaa gudaha dalka Soomaaliya uu sii qaadan karo muddo 7 sano ah, iyadoo howlgalku si rasmi ah u soo afjarmayo sanadkan 2026ka.

4/14/2019 1:49 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dagaalo labadii cisho ee la soo dhaafay dhaxmaray ciidamada dowladda loo soo xir xiray Askar iyo saraakiil la tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalladaa.

4/14/2019 12:57 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda ayaa ka dayriyey xaaladda guud ee uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee dawladdu maamusho,isla markaana sheegay in loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto.

4/14/2019 12:25 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Guddoomiyaha deegaanka Salaxley Ismaaciil Yuusuf Xusseen oo u sheegay warbaahinta in diyaarado joog hoos ku duulaya ku tureen qoys reer guuraa ah oo deegaanka ku dhaqan walxo aan la garaneyn laakiin sida uu hadalka u dhigay u muuqday walxaha qarxa.

4/14/2019 12:12 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Hogaamiyaha golaha milateriga ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa waxa uu wacad ku maray inuu "xididdada u siibi doono maamulkii hore" laba maalmood un kaddib markii uu dhacay afgambigii milateriga.

4/14/2019 12:07 AM EST
Axad, April, 14, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta isugu imanaya kulan aan caadi aheyn su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiinta hay’addaha Amniga dowladda Soomaaliya.