Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda
Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isaga oo ku sugan magaalada Washington sheegay in
Soomaaliya ay ka soo baxday dhamaanba sida uu hadalka u dhigay sharuudihii laga
doonayay si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
Wuxuu sheegay in wixii hadda ka danbeeya waxa la sugayo
tahay oo kaliya jawaabta caalamku ka bixiyo doonisteena ah in deymaha nagala
cafiyo, gaar ahaan waxaa la fariisanay saraakiil ka tirsan dowladdaha deymaha
nagu leh.
“Waxaan ku guuleysanay in aan ka soo baxno
dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan
sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka
aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta maaliyadda dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle.
Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa
maalmihii ugu danbeeyay shirar ku lahaa magaalada Washington ayaa sheegay in
Soomaaliya meel wanaagsan ka gaartay hannaanka hormarinta maamulka Maaliyadeed ee dalka.
Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii
deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana magaalada Washington ku sugan
wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo halkaa shirar
kula leh madaxda Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta dunida IMF.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]