4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Hogaamiyaha milateriga oo wacad ku maray in uu 'xididdada u siibi doono maamulkii hore'

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Hogaamiyaha golaha milateriga ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa waxa uu wacad ku maray inuu "xididdada u siibi doono maamulkii hore" laba maalmood un kaddib markii uu dhacay afgambigii milateriga.

Isagoo ka hadlayay taleefishinka ayuu Janaraal Cabdulfataax Cabduraxmaan Burhaan ku dhawaaqay in dib loo qaabeyn doono hay'adaha qaranka, in la soo afjaray bandowga habeenkii iyo in la sii dayn doono maxaabiista siyaasadda u xiran.

Dibadbaxyada ayaa soconaya walow xilkii laga tuuray madaxweynihii dalkaasi mudada dheer maamulayay Cumar Xasan al-Bashiir.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in si dhaqsiyaha xukunka loogu wareejiyo dadka rayidka ah iyo inay sii joogi doonaan waddooyinka.

Janaraal Burhaan oo badelay hogaamiyihii afgambigii Jimcaha, ayaa sidoo kale waxa uu kala diray dhamaan dowlad goboleedyadii waxa uuna codsaday in la dhowro xuquuqda aadanaha.

Milaterigu waxa uu ilaalin doonaa "nabadda, kala dambaynta iyo ammaanka" guud ahaan Suudaan inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah taas oo ugu badnaan qaadan doonta laba sanadood ilaa laga qabanayo doorashooyin xukunkana rayidka loogu wareejinayo, ayuu ku daray.

Isagoo adeegsanaya erayo dejin ah ayuu Janaraal Burhaan waxa uu mucaardka ugu baaqay "inay gacan ka siiyaan dib u soo celinta noloshii caadiga aheyd", isagoo ballanqaaday inuu maxkamadeyn doono kuwii dilay dibadbaxayaasha, waxa uuna wacad ku maray inuu musuq maasuqa la dagaalami doono.

Xigasho BBC