4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Madaxda hay’adda Amniga dowladda Soomaaliya oo maanta hortagaya golaha Shacabka

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta isugu imanaya kulan aan caadi aheyn su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiinta hay’addaha Amniga dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta la filayo in ay hortagaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, Gaashaandhigga, iyo taliyayaasha ciidamada Booliiska, militariga, nabad-sugida Asluubta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maalintii shalay sheegay in aan loo ogolaan doonin warbaahinta ka qeybgalka kulanka maanta dhaxmaray madaxda hay’addaha Amniga iyo xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ayaa imanaya kaddib dibadbaxyo waaweyn oo maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dibadbaxyadaa inta la ogyahay ku dhintay oo ay ciidamadu toogteen tiro ka badan 6 ruux oo Shacab ah.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa sheegaya burburiyay saldhigyadii ciidamada dowladda ee Isgoysyada magaalada Muqdisho iyaga oo sidoo kalana is hortaag ku sameeyay dhaqdhaqaaqa gudaha magaalada ee ciidamada dowladda.

Xaalada magaalada ayaa saakay degan waxaana caadi ku soo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka oo shalay hakad galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]