4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale maalinta berri isugu imanaya dood ku saabsan Amniga

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargaliyay xildhibaannada in uu jiro maalinta berri ah kulan qeyb ka ah howlmaalmeedka caadiga ee Golaha Shacabka kaa looga dooddi doono arrimaha Amniga.

Kulankii ugu danbeeyay ee Sabtidii ina dhaaftay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu kala tagay kaddib markii leysku fahmi waayay qaabka iyo habka loo wajahayo doodda oo la xiriirta arrimaha nabad-galyada guud ahaan dalka gaar ahaan caasimada, iyadoo ay golaha ku sugnaayeen Wasiirro iyo Saraakiil ciidan.

Lama oga in la xaliyay buuq ka dhashay fadhiggii ugu danbeeyay oo qaar ka mid ah xildhibaannadu dalbadeen in ay warbaahinta ka qeybgasho halka kuwa kalana diideen.

Sidoo kale waxaan la ogeyn in kulanka maalinta berri ah loo ogolaan doono warbaahinta oo aan wali go’aan mideysan laga qaadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]