4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay London

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) -Booliiska magaalada London ayaa baaraya dilka Nur Bashir Salad oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed kaa oo dilkiisa loo adeegsaday mindi sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

Sida ay saraakiishu sheegeen weerarka oo dhacay Isniintii toddobaadka ayuu Nur 22 sano jir ahaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarka lagu qaaday.

Cidna wali weerarkan looma soo xirin laakiin Booliiska ayaa aaminsan in ay dilkan ka danbeeyeen saddex ruux.

‘’Waxaa ku faraxsannahay macaluumaadka ay na siiyeen dad badan oo la hadlay saraakiisha booliiska, laakiin wali waxaa jira jahwareer ka taagan sida uu u dhacay weerarka lagu dilay Nur’’ ayuu yiri Alison Cole.

‘’Macluumaadka hor dhaca ah ee aan helnay ayaa sheegay in dhibanaha ay soo weerarreen saddex rag ah oo markii ay falka geysteen u cararay dhinaca waddada Browning Road.

Ciidanka Booliska ayaa codsaday in laga garab siiyo soo qabashadda kuwa dilalka u geysta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada London.

Dilalka dhalinayaradda Soomaaliyeed loogu geysanaayo dalka Ingariiska ayaa kordhay bilihii ugu dambeeyay, waxaana taasi ay cabsi badan ku abuurtay waalidiinta ku nool Magaalada London.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]