4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Dad rayid ah oo lagu laayay rasaas lagu furay gaari ay la socdeen Shabeellaha hoose

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Lix ruux oo rayid ah ku dhinteen rasaas lagu furay gaari ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka N0 50 iyo Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellaha hoose.

Sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah waxgaradka gobolka dadkan dhintay ayaa isugu jira afar rug ah iyo labo dumar ah oo la socday gaari HOOMEY ah oo ku sufrayay deegaanka.

Lama oga cida weerarka geysatay hasse ahaatee warar hoos oo soo baxaya ayaa sheegay in arintan ay salku ku heyso colaad beelleedyo ka jira deegaanka, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo la xiriira dhacdadan lagu dilay dadka rayidka ah.

Falkan oo dhacay shalay galinkii danbe ayaa waxaa siweyn uga argagaxay dadka deegaanka oo ka xumaaday weerarka ay ku dhinteen Lixda ruux ee rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]