4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Qarax ka dhacay Boosaaso

 

Arbaco. April, 10, 2019 (HOL)- Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay bartamaha magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso , waxaana lagu beegsadey gaadiid ay wateen ciidanka amniga , gaar ahaanna ciidammada howlgallada jogtada ah ka fuliya Boosaaso.

Dhaawaca soo gaaray askarta waxaa la gaarsiiyey Isbitaalka guud ee Boosaaso , saddex kamid ah askarta ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda mas’uuliyada qaraxa oo ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ciidanka amniga ay ka wadeen magaalada Boosaaso howlgallo amniga lagu sugayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]