4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Wasaarada caafimaadka Somaliland oo in ka badan boqol dhakhtar oo Ajanabi ah dalka ka saaraysa

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in muddo toban cisho ah kaga saarayaan dhakhaatiir Ajanabi ah oo la ogaaday in aanay haysan ogolaanshihii ay ku shaqaysan lahaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta caafimaadka Dr:Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa xusay in guddida mihnadleyaasha caafimaadku markii hore baadheen dhakhaatiirta ajanabiga ah ee haysta shahaadadii ay ku shaqaysan lahaayeen, ka dibna uu wasiirka caafimadku guddi u saaray in mar labaad la hubiyo dhakhaatiirta dalka laga saarayo inay shahaadada haystaan iyo in kale.

“Dhakhaatiir badan oo Ajaanabi ah oo wadanka ka hawlgala ayaan haysan shahaadada ogolaanshaha inuu xirfadaasi caafimaad ku shaqayso, sidaas darteed markii ay soo ururiyeen illaa boqol iyo dhawr iyo sodon qof oo dhakhtar ahaa ayaan haysan shahaadaddaasi ay ku shaqaysan karaan ”ayuu yidhi Dr:Xirgeeye.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadkaasi dhakhaatiirta ah ee la soo baadhay loo qabtay in muddo toban csiho ah dalka kaga baxaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhamaan xarumaha caafimaadka la baadhi doono qalabkooda iyo dhakhaatiirta jooga inay yihiin kuwo dadka lagu aamini karo iyo in kale si aanay dadka waxyeelo ugu geysan. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.