4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2019
Madaxweyne Waare : Waa in Dowladda Sooomaaliya Itoobiya kala hadasho arinta biyo la’aanta Wabiga Shabeellle

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo bandhigay abuurka bariis cusub oo lagu qabtay Jowhar ayaa ku baaqay in Itoobiya lagala hadlo biyo la’aanta wabiga Shabeelle.

Wuxuu sheegay si loo hormaryo tabacbka bariiska oo ah mid u baahan biyo badan looga fadhiyo dowladda Soomaaliya in ay soo fara-galiso sida uu hadalka u dhigay biya la’aanta xiliyada deyrta inta badan ku dhacda wabiga shabeelle.

Waare ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay wada hadal kala sameyso dowladda Itoobiya mareynta biyaha wabiga si beeraleyda Soomaaliyeed uga faa’ideystaan xiliyada jilaalka.

‘’Dowladda Soomaaliya sida sharciga caalamiga ah uu qabo waa in wada hadal dhab ah kala yeelataa dowladda Itoobiya arinta biyo la’aanta xiliyada jilaalka soo food saartay wabiga Shabeelle ayuu yiri madaxweyne Waare.

Abuurkan cusub ee Bariiska ayaa waxaa maanta magaalada Jowhar ku soo bandhigtay shirkad lagu magacaabo Danwadaag, waxaana ka qeybgalay munaasabada daah furka madaxweynaha Hirshabeele iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]