4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska oo ka badbaaday Qarax miino

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)-Qaraxaan oo ka  dhacay agagarka Isgoyska Shaqaalaha ee Wadada Maka-Almukarama ee maagalada Muqdisho, waxaana uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu qarxay xilli uu yaallay wadada dhinaceeda, hasse ahaatee aysan wax khasaaro ah uusan geysan,waxaana la sheegay in uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa la sheegay in gaariga inta uusan qarxin uu ka degay,waxaana goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo mudo saacado ah hakad geliyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii ambe ay dib u fureen.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay qaraxyada loo adeegsadao miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo,kuwaas oo lala bartilmaameedsado Saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]