4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Agaasimihii guud ee Wasaarradda Difaaca Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarrada Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii guud ee wasaarradda Sokor Jaamac Geyre.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqo ka joojinta qeyb ka tahay isbadalka guud ee lagu sameynayo hay’addaha Amniga dowladda iyo hormarinta maamulka Wasaarradda, waxaana xilka Agaasimaha loo magacaabay si Ku-meel gaar ah Warsame Maxamuud Xassan Keytoon.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]