4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Shirweynihii XDSHSI oo si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee KAALI


Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Waxaa si rasmi ah u furmay shir-waynihii 10aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, shirwaynahan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha Xisbiga, Odayaasha degaanka iyo waxgaradka, iyo sidoo kale xubno ka socday xisbiyada deegaamada dalka.

Haddaba Shirwaynahan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha XDSHSI Axmed Shide wuxuuna ka hadlay wax qabadkii xisbiga mudadii uu talada degaanka hayay iyo dhaliishii uu lahaa waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.

Geesta kale waxaa hadalo shir-waynahan kasoo jeediyayay xubnihii ka socday deegaanada dalka iyo sidoo kale martidii ka kala timid dalalka dariska ah.

Inta shirkan uu socdo ayaa waxaa lagu dooran doonaa xubnaha guddiga fulinta iyo sidoo kale Gole dhexe, sidoo kale waxaa shirwaynahan lagu badali doonaa Astaanta Xisbiga iyo magaca Xisbiga wuxuuna socon doonaa muddo 3 maalmood ah.

Xisbigan ayaa guud ahaan dib u habayn lagu samaynayaa inta uu shirku socdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]