4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Wada hadallo u socday Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

Isniin, Apriil,0 1,   2019  (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in wada hadalkii u dhexeeyey xisbiga KULMIYE iyo WADDANI ee ku saabsana xaga doorashooyinka uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxa wada hadal gaar ahi u dhexeeyey labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo isku mari lahaa arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xubnihii xisbiga WADDANI uga qaybgallay wada hadalkaasi ayaa sheegay inay isku fahmi waayeen labadii qodob ay ka wada hadlayeen oo kala ahaa in Komishanka la kala diro iyo in xubnaha doorashooyinka si is leeg loo qaybsado, taas oo uu ku eedeeyey inay ka socon wayday dhinaca xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

“Saddex maalmood baan si gaar ah u kulunay,  wada hadaladayadu laba qodob bay ku warwareegayeen bal inaan wax uun isla qaadano, labadda qodob waxay kala ahaayeen arrinta Komishanka doorashooyinka oo aan soo jeedinay in la bedelo maadama oo muddo xileedkoodu ka dhamaanayo 12 cisho ka hor maalinta doorashada iyo in xubnaha Komishanka doorashooyinka si isleeg loo qaybsado, labadaasba way diideen”ayuu yidhi Xuseen Caydiid oo ku hadlayey afka xisbiga WADDANI.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynuhu qorshaba ka lahayn wakhtiga ka dhamaaday golaha deegaanka dalka, taas oo ahayd inuu ku soo qaato khudbad sanadeedkii sanadka ee golaha Baarlamaanka ka jeediyey.

“Maanta gole deegaan oo sharciyad ku fadhiya ma joogaan,  wax uu ku bedelayo illa hada lama hayo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, wali lama xalin caqabadihii ka horeeyey inay doorasho ka dhacdo dhamaadka sanadkan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.