4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2019
Madax dhaqameedka reer Hargeysa ah oo ka hadlay ganacsade dawlada Jabuuti doonayso inay xidho

Isniin, Apriil,0 1,   2019  (HOL)- Madax dhaqameed reer Hargeysa  ah ayaa  xukuumada Somaliland ku eedeeyey inay doonayso inay dawladda Jabuuti u gacangaliso ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo dawlada Jabuuti dalbatay in loo soo qabto.

Suldaanka guud ee gobolka Hawd  Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa sheegay in aanay dhici Karin in ganacsadaha dawlada Jabuuti loo gacan galiyo, isla markaana madaxweyne Biixi ugu baaqay in dadkii hawshaasi ku gudda jira sharciga la hor geeyo.

Suldaan Cumar ayaa sheegay in ganacsade  Axmed Cismaan Geelle ay hantidii uu Jabuuti ku lahaa la wareegtay dawlada Jabuuti, isla markaana imika uu ku jiro xabsi guri ka dib markii Jabuuti waaran qaabasho ah ka dhigtay dalal badan, taasina ay keentay inuu Hargeysa ka bixi waayo.

Suldaanku waxa uu soo bandhigay waraaqo lagu socodsiinayo xeer ilaalinta Somaliland inay soo qabato ganacsadaha si maxkamad loo horgeeyo, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid waxyeeli karta amniga Somaliland.

“dawladeenu waxay ahayd mid madax banaan oo ka soo goosatay Soomaaliya balse maan lahayn Jabuuti ayey hoos gali oo maxkamiyad u noqon, waxa Jabuuti ka dhaca inama khuseeyaan oo waa dal gaar ah inaguna dal gaar ah ayeynu nahay, waxaase la yaableh waxa xukunkii Jabuuti inta uu soo raray Hargeysa keennay ee ansixinay, waraaqanahani waxa saxeexay wasaarada arrimaha Dibada iyo wasaarada Cadaaladda, maxkamada sare way ogolaatay  oo xeer ilaalinteena looyaro u qabatay kiiskan loo haysto Ganacsadaha reer Somaliland, madaxweynaha waxaan u sheegayna arrintan hadii aanad ogeyn imikaba ogow oo wax ka qabo;”ayuu yidhi suldaanka guud ee beelaha koonfurta Hargeysa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

“Somaliland waa la haysta oo jabuuti baa xukunta hadii ay ina haysato Jabuuti waa in dib loo xoreeya Somaliland, madaxweyne inamada yaryar ee kugu duminaya wax ka qabo “ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa maalqabeen u dhashay Somaliland iyo Jabuuti, isla markaana ay isku dhaceen madaxweynaha Jabuuti, taas ayaa keentay inuu usoo guuro Hargeysa.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.