4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Kheyre oo sheegay sababta madaxweyne Farmaajo uu uga qeybgali waayay furitaanka Kalfadhigga 5aad ee Aqalka Sare

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii 5aad ee golaha Aqalka, ayaa sheegay in uu wakiil ka yahay madaxweynaha oo aan ka soo qeybgalin munaasabada.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo jeediyay khubadii madaxweynaha ayaa sheegay in sababta uu madaxweynaha u iman waaye munaasabada la xiriirto shaqo Amni oo deg deg ah, balse faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin arintaa.

Ka hor inta uusan furmin kalfdhigga ayaa la sheegay in uu jiray khilaaf ka dhashay hab maamuuska furitaanka oo xildhibaannada Aqalka sare qaarkood ku adkeysteen in ra’iisal wasaaruhu laheyn furitaanka, loona baahan yahay in uu madaxweynuhu yimaado, inkastoo ra’iisal wasaaruhu ku adkeystay in uu madaxweynaha wakiil uga yahay khudbada furitaanka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa markii danbe furay kalfadhigga isaga oo halkaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan furay kalfdhiggii Shanaad ee Aqalka hoose [Golaha Shacabka] isaga oo sidan oo kale dhowr jeer oo hore ka baaqday furitaanka Kalfadhiyada golaha Aqalka sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

.