Duqa Muqdisho oo ku amray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askari dilay darawal bajaajle ah
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Guddomiyaha
Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa
faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay
muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno.
Guddoomiye Yariisow ayaa ku tilmaamay wax laga
naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee
(Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.
Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada
Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu
geysay shaqsiga ka tirsan CiIdanka Ilaalada deegaanka Xamarna uu Maamulka
Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu
marsiinayo shaqsigii dilka geystay.
“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta
lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa oo lagu
magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka
Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid
walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan
dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.
Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka
uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka
Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka
Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]