4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Salaadiin xukuumadda Somaliland uga digtay in ganacsade Axmed Cismaan Geelle loo gacan galiyo Jabuuti

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Arab ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxaa ay uga digeen xukuumadda Somaliland in ganacsade Axmed Cismaan Geelle loo gacan galiyo dowladda Jabuuti.

Gaar ahaan odayaasha shirka jaraa’id ka hadlay ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay in uu dhug u yeesho sida ay hadalka u dhigeen arrimaha qaar ka mid ah wasaarraddiisa ku doonayaan in ay ganacsadaha ugu gacan galiyaan dowladda Jabuuti.

Odayaasha kulanka ka qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Cilmi, Suldaan Cabdullaahi Leeb iyo Suldaan Saciid Cabdullaahi Jaamac Hariye ayaa dhamaantood ku tilmaamay tallaabo keeni karta cawaaqi aan wanaagsaneyn haddii aysan xukuumadda Somaliland u dhaga-nuglaan baaqoodan.

‘’Annaga waxaan is leenahay madaxweynuhu kama dhaga la’a arrimaha ay ka shaqeynayaan Wasaarraddiisa, sidaa daraadeed waan ka digeynaa in arinkan, waxey keeni kartaa in beesha oo idil ay ka fiirsato taageerrada ay u heyso xukuumadda’’ ayeey ku sheegeen shirkooda jaraa’id.

Shirka jaraa’id ee odayasha ayaa daba socda qoraal horay uga soo baxay Wasaarradda Cadaallada Somaliland oo lagu faray laamaha Amniga qabashada Ganacsade Axmed Geelle oo ka soo jeeda dalka Jabuuti, iyaga oo ku eedeeyay in uu yahay shaqsi danbi ka soo galay dalkiisa.

Hasse ahaatee odayaasha warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay tallaabada ay qaadayaan qaar ka mid ah Wasarraddaha mid aan u wanagsaneyn jirintaanka shuruucda iyo qawaaniinta Somaliland oo sida ay hadalka u dhigay aan loo daba-fariisan dowlad kale.

‘’Mudane madaxweyne [Muuse Biixi] waxaan leenahay koormaa sharuucdeenii iyo qawaaniintii aynu dhiganay loo gacan galiyay dowlad kale, weynu ognahay waxa ka dhaxeeya ganacsadaha iyo dowladda Jabuuti iyo sababaha uu uga soo cararey intaba, sidaa daraadeed weynu ka digeynaa arinkan ah in loo dhiibo ganacsade Geelle dowladda Jabuuti’’ayeey sheegeen odayaashan shirka jaraa’id qabtay.

Ganacsadahan aya isaga soo baxsaday dalka Jabuuti kaddib khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay isaga iyo xukuumadda taasoo keentay in maxkamada dalkaasi Jabuuti ay waaran u jarto isaga oo dalka ka maqan qabashadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]