4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Kalfadhiggii 5 aad ee Aqalka sare oo maanta furmaya

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Maanta oo Isniin ah 01-April ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiggii 5aad ee Golaha Aqalka sare, waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan munaasabada madaxda ugu sareysa Qaranka.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa dhawaan sheegay in maanta uu si rasmi ah furmayo Kalfadhiga 5 aad golaha oo dib u dhacay 16kii bishii Maarso oo aheyd in la furo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan furay Kalfadhigga 5 aad ee Golaha Shacabka ayaan la ogeyn in uu ka qeybgali doono munaasabadan Golaha Aqalka, sare iyadoo la wada og yahay in madaxweynuhu uusan tagin furintaanka kalfadhiggii kan ka horeeyay ee Golaha Aqalka Sare.

Ammaanka magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]