3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Xizbullah oo 'soo riday' diyaarad ay leedahay Israel

 

Isniin, September, 09, 2019 (HOL)-Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon kusoo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israel. 

Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso.

Militariga Israel ayaa sidoo kale ku warramay in mid ka mid ah diyaaradahooda drone-ka lagu soo riday isla aagaas, hase yeeshee ma aysan shaacin waxa sababay.

Israel waxa ay sheegtay inay ahayd “diyaarad iska fudud”, islamarkaana aysan jirin wax walaac ah oo ku saabsan in xog muhiim ah laga helo.

Hoggaamiyaha Xizbullah, Xassan Nasrallah ayaa bishii tagtay ka digay in dagaal-yahannadiisa ay weerari doonaan diyaarad kasta oo Israel ay leedahay oo soo gasha hawada Lebanon.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Xizbullah iyo ciidamada Israel ay markii ugu horreysay muddo sanado ah is-weydaarsadeen rasaas kadib markii Xizbullah ay gantaallada lidka taankiyada ku weeraray Israel, Israal-na ay ku jawaabtay gantaallo kale.

VOA 

 













Click here
9/9/2019 1:27 PM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL)-Maxadweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey'adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle Mas'uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.

9/9/2019 11:53 AM EST
Isniin, September. 09, 2019 (HOL)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka Tuulada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir.

9/9/2019 10:53 AM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL)- Ugaas Xassan Ugaas Khaaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo goor dha shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre in magaalada laga saaro ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

9/9/2019 8:53 AM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender.

9/9/2019 8:03 AM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Magacaabay Guddiga KMG ah ee Tacliinta Sare,gudigaas oo ka kooban Shan xubnood ayaa kala ah guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Saddex Xubnood.

9/9/2019 4:48 AM EST
Isniin, September, 09. 2019 (HOL)- Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigisa meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Muqdisho.

9/9/2019 2:56 AM EST
Isniin, September. 09, 2019 (HOL)Inta la xaqiijanayo Shan ruux oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay deegaanka Buurane ee gobolka Shbeellaha dhexe maalintii shalay.

9/9/2019 2:10 AM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL)- Warbixin laga sii daayay TV Universal ayaa lagu sheegay in Ururka Al-shabaab ay amar ku bixiyeen joojinta dhismihii iyo dib-u-dayactirka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

9/9/2019 1:55 AM EST
Isniin, September, 09, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Barre ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku wareejiyay Wasaaradda Jaamacadda Hiiraan University.