4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Al-shabaab joojiyeen dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho

 

Isniin, September. 09, 2019 (HOL)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka Tuulada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir.

Garoonka Stadium Muqdisho waxaa Galabta booqday Ra’iisul Wasaare  kuxigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen  Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka  Warfaafinta Maareeye  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish  iyo kuxigeenkaoosa Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  sheegay in howshii Dhismaha  iyo Dayactirka ee stadium muqdisho ay si  caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay in Al-shabaab  joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin cid joojin karta.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka ayuu sheegay in ay uga  digayaan baahinta wararka been abuurka ah,waxaana uu sheegay in sidoo  kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska  dhismaha, islamarkaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.

Mas’uuliyiintaan oo mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Garoonka ayaa waxaa ay dhamaantood beeniyay Wararka sheegaya in Shabaab joojiyeen Dhismaha Garoonka,iyaga oo sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]