4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska oo lagu dhaawacay qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Muqdisho

 

Isniin, September, 09. 2019 (HOL)- General ka tirsan ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigisa meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaariga qarxay oo nuuciisu ahaa Surf  uu watay General -ka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdulle Dhoorre kaasoo ku dhaawcmay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka  dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo  askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan goordhaw haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.

Qarax-yada gaadiidka hoosta looga xiro ayaa inta badan dhimasho ama  dhaawac culus waxa ay kasoo gaaraan dadka wada gaadiidka lagu xiro  qaraxyadaasi oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]