4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Amar ka soo baxay Al-shabaab oo lagu joojiyay dhismihii iyo dib-u-dayactirkii Garoonka Stadium Muqdisho

 

Isniin, September, 09, 2019 (HOL)- Warbixin laga sii daayay TV Universal ayaa lagu sheegay in Ururka Al-shabaab ay amar ku bixiyeen joojinta dhismihii iyo dib-u-dayactirka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku amreen shirkadda heysata qandaraaska dhismaha Garoonka in gabi ahaanba faraha kala baxdo,  waxaana ay warbixintu sheegtay in mid mid loo wacay guud ahaanba mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda ka howlgala.

Waxaa ay sidoo kale ku wargaliyeen shaqaalihii muruq maalka ahaa ee ka xoogsanayay dhismaha Garoonka  in aysan soo xaadiri karin Garoonka oo ay subax walba u shaqa tagi jireen.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira amarka ka soo baxay Al-shabaab ee lagu joojiyay dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Dhanka kale warbixintu waxaa ay sheegtay in uu jiro wadahadal hoos oo u socday shirkadda iyo Al-shabaaab oo la doonayo in dib loogu bilaabo howlihii dhismaha, taasoo macnaheedu noqonayo in Al-shabaab ay shirkadda ka doonayaan dhaqaale ka hor inta aan howsha la guda-galin

Al-shabaab ayaa saameyn weyn ku leh dhaqdhaqaaqyada ka socda guud ahaan magaalada Muqdisho, iyaga oo amarro ku soo roga goobaha Ganacsiga, Shirkaddaha  iyo Xarumaha gaarka loo leeyahay oo si toos ah awaamiirtooda looga dhaqan-galiyo, waxaana  la sheegaa in dhaqaalaha ugu badan oo ay ku tiirsan tahay ka hellaan canshuurta ay ka qaadaan deegaannada ay dowladdu maamusho oo ay ka mid tahay caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]