4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegtay xarunta Jaamacadda Hiiraan University ee magaalada Beledweyne

 

Isniin, September, 09, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Barre ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku wareejiyay Wasaaradda Jaamacadda Hiiraan University.

Wasiir Goodax oo maalintii shalay dhagax dhigay mashaariic waxbarasho iyo dhismaha dugsiyo hoose, dhexe, iyo sare oo si lacag la'aan wax loogu bari doono ardeyda ayaa sheegay in Wasaaraddau aqbashay codsiga madaxweynaha oo ah in Jaamacadda Hiiraan University loo badallo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed faraceeda gobolka Hiiraan.

Dhismahan hadda lagu wareejiyay iyo dhulka ay ku fadhiso Jaamacadda Hiiraan University waxaa ay saldhig ciidan u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan ay Jaamacaddu tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dalka soo galeen ciidamada AMISOM si KMG ugu shaqeyneysaa dhismayaal kiro ah oo gaar loo leeyahay.

Wasiirku ma uusan sheegin sida sida laga yeelayo ciidamada mudadda dheer degan dhismaha xarunta Jaamacadda Hiiraan Univeristy oo ku taala dulleedka magaalada Beledweyne. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]