4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee QM kadib markii uu ka noqday dhalashada Mareykanka

Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska yimid ka qeyb galaya shirka  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ,kaddib markii uu horrantii bishii Agoosto dib uu u celiyay dhalashada Mareykanka.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay waa madal caalami ah oo hoggaamiyeyaasha caalamka ay ku soo bandhigaan guulaha ay gaareen, waxaana madaxweyne Farmaajo uu markii u horreysay fursad u helaya inuu madashaa ku soo bandhigo xaaladda Soomaaliya iyo is beddelada la gaaray muddada uu xafiiska joogo.

Wasiirka Qorsheynta,Jamaal Xasan ayaa warbaahinta u sheegay Axadii Madaxweyne Farmaajo oo wajahaya doorasho sannadka soo socda inuu la hadli doono Golaha bartamaha bishan, iyada oo labadii sanno ee u dambeysay kullankaa uu u wakiilan jiray madaxweynaha - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Ku dhawaaqida oo soo baxday bil kaliya ka dib markii Farmaajo ka tanaasulay dhalashada Mareykanka waxay muujinaysa aragtida ah caqabadaha xagga sharciga ee madaxweynaha uu kala kulmay inuu sii aahado muwaadin Marekan ah, isaga oo jooga xafiiska ugu sarreeya ee Soomaaliya.

Ka sokow in looga baahan yahay muwaadiniinta dib ugu laabanaya dalkooda inay isticmaalaan baasaboorka Mareykanka, Shuruucda socdaalka ee Mareykanka ayaa sidoo kale dalbanaya in qofka muwaadinka inuu aanu helin xasaanad diblumaasinimo haddii uu xil sare ka hayo dal kale , lana mid noqonayo sida Muwaadiniinta kale Mareykanka ee ku laabtay dalkooda.

Tallaabada uu dib isaga celiyay madaxweynaha jinsiyada shisheeye ayaa sidoo kale suragal ka dhigi karta istiraatiijiyad siyaasadeed oo dhabaha u xaareysa mustaqbalka siyaasiyiinta qabanaya xilalka sare inaysan noqon kuwa jinsiyado kale heysta. Ra'iisul wasaare Khayre oo isha ku haya madaxtinimada sannadka 2021 ayaa heysta baasaaboor Norwey ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]