4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Xukuumadda Soomaaliya oo nus milyan doollar lacag ka badan ku taageertay dib u dhiska garoommada kubadda cagta

Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Beydhabo.

"Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhallinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya dad ku soo dhaweeyay garoonka wuxuu  ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey illaa lix garoon kubadda cagta ah ugu deeqday mid walba lacag ka badan boqol kun oo doollar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]