4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 8 , 2019
Boqorka Sacuudiga oo wiil uu dhalay u magacaabay wasiirka Tamarta


Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo saaray Wareegto uu wiilkiisa Amiir Cabdicasiis ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Tamarta, waana markii ugu horreysay ee Amiir ka tirsan qoyska xukuma Sacuudiga ee Al-Sacuud uu madax ka noqdo Wasaaradda Tamarta.

Wasiirka cusub waxa uu ka weyn yahay Walaalkiisa ay isku Aabaha yihiin ee Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo ah Ninka ugu awoodda badan Sacuudiga ee ay ka go’do Talada iyo Maamulka Sacuudiga.

Wasiirka cusub ee Tamarta, Amiir CabdiCassius oo takhasus u leh Hawlaha Tamarta waxa uu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Batroolka iyo Macdanta ee King Fahad University of Petroleum and Minerals.

Waxa uu xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Tamarta, Khaalid Al-Falix, kaasi oo maalmo ka hor laga qaaday xilka Gudddoomiyaha Shirkadda Shidaalka Dowladda Sacuudiga ee ARAMCO.

Dhinaca kale, Boqor Salmaan waxa uu maanta soo saaray Wareegto Boqortooyo oo uu xilka kaga qaaday Wasiir-ku-xigeenkii Tamarta, Cabdicasiis Al-Kariim.

Boqorka weli ma magacaabn Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga.

Magacaabista Wasiirka cusub ee Tamarta Sacuudiga ayaa ah mid ku cusub dalkaasi, maadaama shantii Wasiir ee isaga dambeeyey xilkaasi tan iyo sanadkii 1960-kii uusan midkoodaba ka soo jeedin Qoyska haya Talada Boqortooyada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxaa soo food saaray Dhaqaale-xumo dhanka Shidaalka, waxayna inta badan sannadkan 2019-ka soo saaraan maalintiiba wax ka yar 10 milyan oo Barmiil oo shidaal, kaasi oo ka hooseeysa Hiigsiga Dowladdaha ku bahoobay Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka Caalamka ee OPEC.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]