4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo gaaray magaalada Harare

Axad, September, 08, 2019 (HOL)-  Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya oo markii ugu horreysay gaaray guusha tartanka is reebreebka koobka kubadda cagta adduunka ayaa gaaray magaalad Harare ee xarunta dalka Zimbabwe.

Ciyaaryannada xulka qaranka Soomaaliya ayaa wajiga labaad ee kullanka is reebreebka kula ciyaaraya xulka Zimbabwe magaalada Harare, iyada oo kullanka uu yahay mid ay isha ku wadahayaan bulshada Soomaaliyeed.

Lugtii hore ee kullankan oo lagu ciyaaray dalka Jabuuti ayaa guul hal gool iyo waxba ah waxaa gaaray xulka kubadda cagta Soomaaliya, taaso ka dhigtay guushii ugu horreeysay ee is reebreebka uu ka gaaro xulka qaranka Soomaaliya.

Guul ay ka gaaraan xulka qaranka Soomaaliya kullanka ama barbaro gool la’aan ah waxaa ay u horseedaysa markii u horreysay heer kooxoodka (guurubyada) tartanka inay u gudbaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]