4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Labada xisbi Mucaarad ee Somaliland oo aqballay inay soo magacaabaan labada xubnood ee cusub ee gudddida doorashooyinka

 

Axad, September, 08,  2019  (HOL )– labada mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta soo saaray heshiish ay gaadheen inay soo magacaabaan labadii xubnood ee guddida doorashooyinka uga qaybgali lahaa,isla markaana loo sii ambo qaadi lahaa qabsoomidda ddoorashooyinka isku sidkan ee golaha Wakiiladda iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland.

Labada cusbi ayaa soo magacaabi lahaa labadda xubnood ee guddida cusub ee doorashooyinka uga mid noqon lahaa si doorashooyinkii la filayey u dhacaan.

Arrintan ayaa keentay ka dib markii golaha Wakiiladdu laaleen in guddida doorashooyinka laga dhigo sagaal xubnood, waxaana hadda sii ahaan doonaan toddoba xubnood.

Qoraalka labadda xisbi mucaarad ka soo baxay ayaa u qornaa sidan:

= Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 8.September.2019 isugu yimaadeen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADANI hogaankooda sare, waxa ay ku lafo gureen kaganna arrinsadeen sidii loo sii ambo qaadi lahaa loona xoojin lahaa qabsoomidi doorashooyinka isku sidkan ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland.

= Sidaa darteed iyaga oo ka jawaabaya warqadii madaxweynaha ee summadeedu ahayd SJL/XM/ASX/009-361/082019 kuna taariikheysnayd 29,8,2019, tixgaliyeyna heshiishkii saddexda xisbi qaran ay gaadheen 27,july,2019, waxa ay isla qaateen in la magacaabo labada xunood ee cusub ee xisbiyada mucaradka ku matali doona komishanka cusub ee doorashooyinka ee bedelaaya komishanka wakhtigiisii dhamaanayo si arrintaasi ay wadadda ugu xaadho doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeedii ku qabsoonta.

= Iyadoo oo ay masuuliyadda guud ee doorashooyinka madaxweynaha saaran tahay waxa ay labada xisbi mucaarad soo jeedinayaan in si wada jir ah loogu shaqeeyo lagana qaado wixi caqabado kale ah ee doorashooyinka horyaalla ee ay ugu horeeyaan saami qaybsiga meel marinta xeerarka doorashooyinka iyo diyaarinta dhaqaaalaha doorashooyinka ku baxaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.