4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Wasiir Goodax oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne


Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaradda Waxbarashada HIdaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa siweyn loogu dhaweeyay magaalada Beledweyne.

Mas''uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, ardeyda dugsiyada, macalimiin iyo  dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bushada ayaa wasiirka iyo wafdiggiisa ku soo dhaweeyay garoonka diayaradaha magaalada Beledweyne.

Wasiirka ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada, isaga oo sheegay in mudadda uu joogo uu la kulmo doono guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada gobolka.

Ujeedada socdaalka Wasiirka ayaa lagu sheegay in uu dhagax-dhiggo dhismaha xarumo waxbarasho oo lagu hergalin doono magaalada Beledweyne, iyadoo maalmo ka hor magaalada uu soo gaaray madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]