4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Odayaal ku baaqay in deg deg magaalada Beledweyne uga baxaan saraakiil iyo ciidamo xalay soo gaaray


Axad, September, 08, 2019 ((HOL)--Saacadihii ugu danbeeyay magaalada Beledweyne waxaa ka soconayay kulamo iyo wadatasho ka dhan ah saraakiil ka socta qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo xalay soo gaaray magaalada Beledweyne.

Odayaal iyo Waxgarad ku shiray magaalada Beledweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin qorshaha dowladda federaalka ee magaalada looga qaadayo ciidamo muddo dheer tababar uga socday xerada  Lama-galaay oo aan wali loo dhameystirin Agabkii ciidan-nimo oo ay dowladdu aheyd in ay ku qalabeyso.

Ciidamada qeybta 21aad oo ku hubeysnaa ilaa 20 gaadiidka dagaalka ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Dhuusa-Mareeb  ee gobolka Galguduud ayaa xalay soo gaaray magaalada Beledweyne kuwaa oo  ku socday amar ay dowladdu ku siisay in ay ka soo qaadaan magaalada Beledweyne ciidamadan khilaafka ka taagan yahay Boqolaal dhalinyarro ah oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafayba ku xareysnaa xerada militirga ee Lama-galaay.

Odayaasha ayaa sheegay in ciidamada xalay soo gaaray magaalada Beledweyne u aqoonsanayaan ciidamo dullaan ah waxaana ay uga baaqeen madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya in si deg deg ah arintan u soo fara-galiyaan.

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa socda uusan aheyn mid nabad-galyada u wanaagsan, sidaa daraadeed dowladda federaalka looga baahan yahay in ay ka fiirsato. 

Ciidamada ka socda dowladda ee yimid magaalada Beledweyne ayuu sheegay in ay horay uga tirsanaayeen  Ururka Ahlu Sunna Wajameeca.

''Ciidankan la leeyahay waxaa ay ka socdaan 21aad horayna uga tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca oo ah kuwii aan xabadda isku riday waxaan leenahay deg deg uga baxa magaalada,, haddii kale cawaaqibka arintaa ka dhasha waxaa mas'uuliyadeeda qaadeya dowladda dhexe ee federaalka.

Nabaddoon Maxamed Cabdi Maxamuud [Lixle] oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in uu jiray heshiis horay u dhaxmaray waxgaradka gobolka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee  ku sugan magaalada Beledweyne ka hor inta aan ciidamadan loo furin tababarka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la ixtiraamo heshiiskaa isaga ah.

''Bulshada ku dhaqan gobolkan waa bulsho dowladnimada jecel, laakiin hadda waxaa muuqata in duullaan lagu soo qaaday, madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha iyaga ayeey aheyd marka hore in ay gobolka yimaadaan, arkaan xaalada ciidamada, mas'uuliyadooda la wareegaan, laakiin sida hadda wax loo maamulayo waa si dowladnimada ka fog oo aan marnaba la qaadan karin'' ayuu yiri Nabaddoon Lixle.

Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirhabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay kulan la qaatay saraakiisha horkaceysa ciidamada soo gaaray magaalada Beledweyne, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxweyne Waare oo la xiriira mowqifka odayaasha dhaqanku ay ka qaateen qorshaha dowladda ee ciidamada looga qaadayo magaalada Beledweyne.

Qaar ka mid ah odayaasha ayaa ku doodday in marka hore loo baahan yahay in dalka oo dhan laga hergaliyo qorshaha isku dhafka ciidanada balse dhankooda aqbali doonin in deegaanno gaar ah qorshahan lagu tijaabiyo.

Taliyaha qeybta 21aad ee horkacaya  ciidamada xalay soo gaaray magaalada Beeldweyne  Gaashaanle Sare Cabdicasiis Qooje ayaa sheegay in ay u socdaan kaliya wadatashiyo la xiriira sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen ka xoreynta Al-shabaab deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in ay jiri doonaan kulamo ay la yeelanayaan saraakiisha ee ku sugan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]