4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Khilaaf ka dhashay ciidamo la sheegay in loo qaadayo degmada Dhuusa-Mareeb oo ka taagan magaalada Beledweyne

 

Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Khilaaf xooggan ayaa ka taagan Qorshe lagu doonayo in ciidamo dhowr bil tababar uga socday Xerada ciidanka Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, loogu daabulo Gobalka Gal-gaduud gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb.

Taliyaha qeybta  21-aad ee  Gaashaanle Sare Cabdicasiis Cabdullahi  (Qoojo) oo wata ku dhawaad 20-Gaadiid ah oo ciidamadaasi lagu daabulayo  ayaa caawa Beledweyne soo gaaray.

Illo xog ogaal ah ayaa  Hiiraan Online u xaqiijiyay in Odayaasha Dhaqanka qaar ka mid dadka deegaanka iyo mas'uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan ay ka soo hor jeedaan in ciidanka loo daabulo Gobalka Galgaduud, madaama markii horeba loo tababaray in ay suganaa nabad-galyada gobolka.

Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka iyo wax-garadka magaalada  ayaa sheegay in ay ciidamadan la sheegay in loo qaadayo gobolka Galguduud looga baahan yahay in ay Al-shabaab ka xoreeyaan deegaannada ay ka maamulaan gobolka Hiiraan, taasoo keentay in odayaashu ka soo horjeestaan.

Ciiidamada la sheegay in loo qaadayo gobolka Galguduud ayaa la sheegay in aysan hubeysneyn, laakiin dowladda ayaa sheegtay in wixii hub iyo agab ciidan ah loo dhameystiri doono marka ay tagaan gobolka Galguduud.

Waxaa soconaya kulamo ay leeyihiin saraakiisha qeybaha kala duwan ee dowladda kuwaa oo qaarkood xalay soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]